Home Wararka Maanta Bandow lagu soo rogay goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Bandow lagu soo rogay goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) ayaa bandow kusoo rogay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow dhow, ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo maalinta Axadda ah.

Bandowga ayaa socon doona Talaadada ilaa Isniinta todobaadka soo socda. In ka badan 300 oo xildhibaan ayaa ku kulmi doona garoonka diyaaradaha si ay ugu codeeyaan madaxweynaha xilka hayn doona afarta sano ee soo socota.

Musharixiinta ugu muhiimsan ee doorashada ku jira ayaa waxaa ka mid ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee isaga ka horreeyay ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, kuwaasoo loo arko inay ugu cadcad yihiin.

Codeynta ayaa 15 bilood dib u dhac ku yimid waqtigii loogu talagalay, waxaana taasi sabab u ah isqabqabsiga ka dhex jira siyaasiyiinta ugu sareysa ee ku aadan qaabka ay u dhaceyso doorashada.

Ad
Previous articleBooliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta Ee ka Dhacay Muqdisho iyo Cifa lala Beegsaday
Next articleNin Ajnabi ah oo Isku Qarxiyay Xerada Ceelbaraf ee Dhawaan La Weeraray iyo Alshabaab oo Shaacisay Dalka Uu U Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here