Home Wararka Maanta Faah Faahin ku saabsan Qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin ku saabsan Qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Qaraxa uu burburiyay darbiga Xerada, isla markaana khasaaro dhimasho iho dhaawac ah ay ku noqdeen dad Shacab ah oo badankood saarnaa Mooto Bajaaj Goobta mareeysay.

Inta la xaqiijiyay sedex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, todobo kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kale waxaa uu geystay burbur hantiyadeed, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhimashadu ay ku dhawdahay 10

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Alshabaab aysan ku guuleysan ujeedkooda oo ahaa in ay gaariga waraxa siday gudaha Xerada geliyaan, balse darbiga Xerada oo ah mid adag uu dhaafi waayay sidaasina uu ku qarxay.

Ad
Previous articleCiidamo Milateri ah oo Caawa La wareegay Qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawiro)
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Amray in Shacabkii Barakacay ay ku soo Laabtaan Xaafadahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here