Home Wararka Maanta Xildhibaanada Dowlada Soomaaliya ku Matala Soomaaliland oo ka Xumaaday Soodhwayntii Muqdisho loogu...

Xildhibaanada Dowlada Soomaaliya ku Matala Soomaaliland oo ka Xumaaday Soodhwayntii Muqdisho loogu Sameeyey Madaxweynaha SSC Khaatumo

0

Xildhibaan Cabdi Qowdhan Warsame, Xildhibaan Gobsan Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa baraha bulshada isku dhaafsaday hadallo xanaf leh oo ka dhashay safarkii hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo Muqdisho yimid.

Ugu horeyn Xildhibaan Maareeye ayaa soo saaray qoraal uu ku muujiyey sida uu uga xunyahay in maqaam sare ay shacabka Muqdisho iyo xukuumadu ku soo dhaweeyaan wafdigii ka socda Khaatumo ee shalay yimid Muqdisho.

Xildhibaan Maareeye waxaa u soo jawaabay Xildhibaan Cabdi Qowdhan oo soo saaray qoraalkaan hoose:

“Danjirayaashii kala goynta umadda Soomaaliyeed muqdisho u fadhiyi jirey waxay bilaabeen Cabaad iyo masayr

“Wax Somaliland la yiraahdaa ma jiraan”

Gobolada waqooyi ee xilligii Ingiriisku waxay u qaybsanaayeen qayb Ingiriiska la dagaalantay oo xoriyadda umadda Soomaaliyeed u halgamay illaa diyaarado lagu duqeeyey iyo qayb Ingiriiska dabodhilif u ahayd oo awoowayaashood uu sida awrta u raran jirey oo xataa waqtiyada gaaladu safrayaan dusha ku qaadi jirey.

Kuwa cabaadaya waxaa ku jira qaar aan dhulka ay ka hadlayaanba garanayn oo gargaarkii 1974 kurtuwaarey iyo Sablaale la keenay iyagoo feedho qaawan oo maro qayd ah Guntan dibna aan ugu noqon.

Dadka SSC khaatumo dhulkoodu waa ku filan yahay haduu u yar yahay iyo haduu u weyn yahayba, Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo qalbigana ha idinka reebo.

Waxaan idin leeyahaySoomaali waa idin fahantay, waana ogaatay inaad kala goynteeda Muqdisho u joogtaan idiinmana suurto gelayso hadaad haysataan degmooyin aad Muqdisho la timaadaana soo dhowaada.

Mar kale waxaan idin leeyahay Edeb Hala yeesho haddii la yeelan waayo ogaada WAXBAA BAALAHIINA YAACAYA.

SSC Khaatumo Guul. Midnimada Soomaaliya waa muqadas.”

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay xildhibaan Gobsan Maxamed oo si toos ah u taageertay Somaliland, isla markaana qoraalkeeda ku cadeysay inay ka xuntahay in SSC ay Somaliland ka go’do.

Xildhibaan Gobsan oo u jawaabeysa xildhibaan Cabdi Qowdhan ayaa soo saartay qoraalkaan hoose:

“Xildhibaan Qowdhanoow waad wareertee aan ku saxee midnimada iyo calanka aad ku gabanayso horta ciddii Xamar keentay soo aniga may ahayn, wixii midoobay soo Koonfur iyo Waqooyi oo aan anigu hoggaan u ahay may ahayn, ma midnimo kalaa jirtay?.

Waxa aan ku lee yahay Laascaanood waa degmo ka tirsan Somaliland oo haday midnimo tahay iyo hadii kale ba iyada uun bay ku daba faylaysaa anaga ayaana halkan u joogna Somaliland oo cidi na tallaabo kale ma qaadi karto.

Xamar na, waa la wada joogaa, calan la la yimaadaa na midnimo ma gooyo, xiligii calanka buluuga ah reer Muqdisho looggu soo dhuuman jirayna waa la soo dhaafay ee wixii aad hayso badka soo dhig, waxna ha la hadhin.

Soomaalidu, waxay tidhaa maxa Fardo la isku hayo la iskugu faani.”

Qoraalka folkaanadaan kiciyey ee Xildhibaan Maareeye uu soo saaray ayaa u dhignaa sidaan:

Ad
Previous articleWiil Dhalinyara ah oo iska soo Tuuray Dabaq ku Yaal Muqdisho Si uu Naftiisa u Badbaasho oo Geeriyooday
Next articleMidowga Afrika oo kasoo Jawaabay codsigii Soomaaliya ee ahaa in Ciidamada ATMIS Dib loo Dhigo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here