Home Wararka caalamka Warbaahinta Caalamka oo ka horyimid ka Qeyb galka Shir ka dhacay Riyad.

Warbaahinta Caalamka oo ka horyimid ka Qeyb galka Shir ka dhacay Riyad.

0
SHARE

Shrikadaha warbaahinta ayaa isaga baxaya ka qeybgalka shirk u saabsan maalgashiga oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Riyaadh ee dalka Sucuudiga sababo la xiriira walaac ay shirkadahaasi ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay.

Jamal Khashoggi ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay muddo haatan laga joogo toban maalmood kaddib markii uu booqday qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay gudaha magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkadahan warbaahineed oo ay ka mid yihiin wargeysyada The New York Times, iyo the Economist, ayaa la sheegayaa in ay go’aansadeen in aysan ka qeyb galin kulankaasi oo lagu wado in ay ka soo qeybgalaan ganacsatada dunida ugu caasnan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here