Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo Kalena ah Xarunta Galmudug ayaa Xalay Waxaa Ka dhacay munaasabad Lagu Magacaabi lahaa wasiiro cusub
munaasabadda ayaa la sheegay in lagu magacaabi lahaa xubnaha wasiirada Galmudug oo uu madaxweyne xaaf soo dhisay, Waxaana Ka dhashay Buuq, Saameeyay Isku shaandheyn iyo Magacaabistii
balse wararka ayaa sheegaya in xilli ay saxaafadda u diyaar u tahay ka qeybgalka munsaabadda iyo tabinta wararka la xiriira magacaabista wasiirada ay xubnaha siyaasiyiinta ee ka qeybgalaya qaarkood ay buuq sameeyeen.
Masuuliyiin Ku sugnaa Munaasabada ayaa sheegay in buuqa uu yimid kadib markii si hordhac loo helay xubnaha wasiirada cusub ee lagu dhawaaqi rabo.
Galmudug Wili Ma aysan Faah Faahin Xogta warkaas oo si weyn loogu Baahiyay Baraha Bulshada.