Home Wararka Somaliya Somaliland Mid ka Mid ah Taliyayaashi Jabhada SSC oo Ku Geeriyooday Dagaalka Saakay...

Mid ka Mid ah Taliyayaashi Jabhada SSC oo Ku Geeriyooday Dagaalka Saakay Ka Socda Laasacanood

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka taagan xiisad xoogan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Taliye Afgaab Cartan ayaa hadda la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood.

Taliye Afgaab waxa uu hormuud u ahaa halganka Reer Laascaano ay kaga soo horjeedaan Somaliland.

Dagaal Ayaana Wali Si Xowli ah ugu socda Daafaha Magaalada Waxaana jira Khasaara aan wali lasoo koobin kaasoo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ad
Previous articleSomaaliland oo War kasoo saartay Dagaalka Ka Qarxay Magaalada Laasacanood
Next articleGaraadyadii Ku Shirsanaa Laasacanood oo Soo Saaray Warmurtiyeed ay uga Go,een Soomaalinad kuna Biireeen…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here