Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad dhac geesatay...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Burcad dhac geesatay iyo ganacsade Waxay Ay soo Dhacaan ka Gadan jiray (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dhac u geesanayay dad shacab ah.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in burcadan la qabtay ay telfoono ka dhaceen dad shacab ah, waxa ayna booliiska oo helay xogta labadan nin ee burcada ah ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan.

Booliiska ayaa sidoo kale soo xiray nin ay sheegeen in uu ahaa ganacsade ay burcadan u geen jireen telfoonada ay dadka shacabka ah ka dhacaan, waxa ayna booliiska sheegeen in saddexdan nin xabsiga la dhigay loona gudbin doono laamaha caddaaladda.

Ciidamada booliiska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada booliiska ee sida milatariga u tababaran ayaa howlgalo ka wada degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, ciidabkan ayaana inta badan beegsada kooxaha burcada iyo kuwa falalka amni darro wada.

Ad
Previous articleCiidmadii lagu Wareejiyay Amaanka Muqdisho oo Markii Ugu Horaysay Qarax lala Eegtay Iyo Askar ka Geeriyootay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Sagootiyay Ciidamo Badan Oo Ceelbuur Wax Ka xorayn Doona(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here