Home wararka Dalka Muqdisho” Ciidamada NISA oo Ganacta Ku soo dhigay Xildhibaan iyo Dad Qaabilsanaa...

Muqdisho” Ciidamada NISA oo Ganacta Ku soo dhigay Xildhibaan iyo Dad Qaabilsanaa Dhaqista Lacagaha Dollarka ah { Akhriso}

0
SHARE

Ciidamada Nabadsugida ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay labo ka mid ah Shabakad ka shaqeysa dhaqida dollarka madow.

Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlaha fududeynta Garoonka uu shabakadaas u sahlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, kaasoo arrintiisa loo gudbinayo Hey’adaha shaqada ku leh.

Lama shaacin ilaa hada Magaca Xildhibaanka La sheegay in uu Qeyb ka ahaa Qorshahaas, Hada yeeshee waxay sheegay Hay’ada NISA in ay gacanta ku hayaan Dadkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay Lacag dhaqida, waxaana sharciga ka hortagga lacag dhaqida saxiixay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh bishii February ee sanadkii 2016, kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaankii 9aad bishii December sanadkii 2015.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here