Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii ka Dhacay Koonfurta Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo...

Wararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii ka Dhacay Koonfurta Gobalka Mudug iyo Alshabaab oo Laga Saaray Dhul Hor leh

0

Dowlada Soomaaliya oo Goordhow war kasoo Saartay Dagaal Culus oo Galabtay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku Qaadeen Alshabaabkii ku Sugnaa Deegaanka Shabeeloow.

Dowlada ayaana Soo Saartay Warbixintaan:

Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo geesiyaasha deegaanka oo saaka Khawaarijta kala wareeegay deegaanka Gaadday oo dhaca bariga magaalada Camaara ee gobolka Mudug ayaa u gudbay deegaanka Shabeelow oo Khawaarijta u ahaa fariisin muhiim ah halkaas oo hawlgal ciidanku ka fuliyeeen lagu dilay 25 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyada oo la burburiyay gaadiid iyo saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ayaa hawlgal lagu baacsanayo khawaarijta ka sameeyay deegaannada Kuridhi iyo Qorileey oo iyagana dhaca Galbeedka magaaalada Camaara.

 

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda koonfurta Gobalka Mudug
Next articleWaa kuma ninka uu xilka sare u magacaabay madaxweyne Xasan ee madaxda u ahaa ciidamada horey u weeraray?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here