Home Wararka Maanta Turkiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxyadii Zoobe Ee Lagu Dilay Inkabadan...

Turkiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Qaraxyadii Zoobe Ee Lagu Dilay Inkabadan 100 Qof

0

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay qaraxyadii mataanaha ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasi ay ku geeriyoodeen dad ka badan 100 ruux.

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu canbaareeyay weeraradaas, iyagoo dowalada iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee lagu xasuuqay weerarakaas.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarradan argagaxisada ah, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo sidoo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida dhaw u taageerta Soomaaliya, iyadoo diyaaradaha Turkiga maalmahan ay kaalin muuqata ku lahaayeen duulaanka ka dhanka ah Shabaab, iyagoo duqeymo la beegsaday Shabaab oo ay ku dileen boqolaal dagaalyahan oo kooxdaasi ah.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Caasimadda Muqdisho lagu soo geba-gabeeyay shir looga hadlayay arrimaha xagjirka, kaasoo laga soo saaray in Al Shabaab hadda ka dib loogu yeero (Khawaarij), waxaana shirka soo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gunaanadkiisiina hadal ka jeediyay.

Weerarkan ayaa sidoo kale imaanaya, xilli Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay deegaano badan oo gobolada dalka ka mid ah ka saareen Al Shabaab. Weerarka ayaana u muuqdo mid ka turjumaya carrada kooxdaasi.

Waa Shabaab iyo caadadii mar kasta oo culeys uu soo fuulo inay sameeyaan amaba qaadaan weeraro argagax-gelin ah, iyagoona bartilmaameedsada goobaha ay hay’adaha dowladda ku firfircoon yihiin, rayidkuna ku badan yihiin, waana tan ay dadku u fasirteen mid ay kooxdan ku muujinayso inay weli nooshahay

Ad
Previous articleAlshabaab oo uga Danbayn Gacantooda laga Saaray Deegaanka Masaajidka Caligaduud
Next articleGudoomiye Madaale oo shaaciyay tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Soobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here