Home Wararka Maanta Hub iyo Dharka Ciidamada milatariga oo lagu qabtay hoteel ku yaallo...

Hub iyo Dharka Ciidamada milatariga oo lagu qabtay hoteel ku yaallo Muqdisho Xili Howlgal Culus uu socdo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay laga sameeyay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho kaas oo lagu soo qabtay hub iyo dharka tuutaha ee ay xirtaan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa wajigiisa labaad laga sameeyay degmooyinka Hodan iyo Wadajir.

Ciidamada ayaa gudaha ugu daatay dhowr xarumood oo ku yaalla halkaasi, kuwaas oo isugu jiro hoteello iyo goobo ay ku caaweeyaan dhalinyarada, xilliyada habeenkii ah.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay in ciidamadu ay kasoo qabteen mid kamid ah hoteellada ay galeen saddex qoray iyo dharka tuutaha ee ay xirtaan milatariga, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku wareejiyeen hay’adaha amniga.

“Meelihii aan tegnay meel kamid ah oo magaceeda la yiraahdo Saba waxaa lagu qabtay dareeska ciidamada milatariga oo ka kooban 45 joog iyo saddex qoray oo AK47 ah, waxaana ku wareejinay taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ay gudaha u galeen xarun kale oo ay ku sugnaayeen dhalinyaro isugu jiro wiilal iyo gabdho, isla-markaana lagu sameynayay waxyaallo ka baxsan anshaxa, sidoo kalena lagu isticmaalayay maandooriye.

“Waxaa sidoo kale kamid ah meelaha aan tegnay Boosh oo dhalinyaro fara badan oo waqti xilli dambe ah halkaas oo nalalka ay u dansan yihiin aan ku aragnay, marka waxaan rabnaa howlgalkan isaga ah muddo inuu sii socdo” ayuu hadalkiisa raaciyay guddoomiye Yabooh.

Howlgalkan ayaa waxaa wajigiisa koowaad habeen hore laga sameeyay xeebta Liido, kadib markii uu duqa Muqdisho gudaha u galay kalaabyo ku yaalla halkaasi, kadibna uu xiray.

Ad
Previous articleQaabka uu Shiinuhu u xado xogta sirta ah ee Mareykanka
Next articleMadaxweyne Xasan Oo Odayaasha Beesha Gaaljecel Kala Hadlay Sidii Shabaab Looga Saari Lahaa Deeganadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here