Home Wararka Maanta Inkabadan 10 Askari Oo NISA Iyo Haramcad Ah Oo Lagu Dilay Dagaal...

Inkabadan 10 Askari Oo NISA Iyo Haramcad Ah Oo Lagu Dilay Dagaal Qaraar oo Saakay Alshababa soo Qaadeen(Sawiro)

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamadda dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in inkabadan 10 askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda oo ay ku jiraan saraakiil lagu dilay dagaalka, iyadoo xaaladda wali ay tahay mid kacsan.

Dadka dagaalka ku dhintay waxaa kamid ah sarkalakii hoggaaminayay ciidamadda Haramcad ee halkaasi joogay oo lagu magacaabo taliye Xabiib salad xoreyste, isagoo ku geeriyooday toogasho ay u geysteen kooxda.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kudhowaad 30 askari nolol iyo geeri lagu la’yahay, kuwaasoo dhinaca wabiga u daatay kadib markii qaraxyo loo adeegsaday qoriga Zabanka lagu garaacay ciidamadda.

Waxaa sidoo kale jira saraakiil uu kamid yahay taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda Xasan Fanax oo ku dhaawacmay dagaalka, waxeyna dowladda deegaanka Basra u dirtay diyaarad soo qaada dhaawacyada iyo meydadka, si loo keeno magaalada Muqdisho.

 

 

Ad
Previous articleJoe Biden: “Markii uu Putin sheegayay inuu adeegsanayo hubka Nukliyeerka kaftan kama aysan ahayn”
Next articleDacwad lagu soo oogay Macalin Sweden u dhashay oo 15 Arday u soo bandhigay Galmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here