Home wararka Dalka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Dhalinyaro Lagu Eedeeyay Shabaabnimo...

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Dhalinyaro Lagu Eedeeyay Shabaabnimo (Sawiro)

0
SHARE

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysanaha 2—aad ee Gacal Maxamed Cali Maxamed lagu xukumay Seddax sano (3) oo xabsi ciidan ah sida uu sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa loo heystaa in ay ka wada tirsan yihiin maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan kooxda ay ugu yeeraan Amniyaadka, waxaana ciidamada amniga ka soo kala qabteen degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta nabadda.

Eedeysanaha koowaa ayaa Alshabaab kaga biiray gobalka Shabeelaha Dhexe sanadii 2015-kii gaar ahaan halka loo yaqaano Gamboole, waxa uu tababar seddax bil ah ku soo qaatay xero ku taalo duleedka Gamboole halkaasi uu ku bartay isticmaalka hubka fudud iyo tuurista bam gacmeedka (F1), intii uu joogay Shabeelah Dhexe ayuu ku fashilmay isku dayo dhowr ah oo loo diray balse waxaa loo soo bedelay magaalada Muqdisho, waxaana loo diray shaqa kale oo ku saabsan indha-indheynta goobaha dadka isugu yimaadaan ee ku dhirirsan xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

sidoo kale waxa uu hordhac sahmin u ahaa weeraro ismiidaamin ah oo badi fashil ku dhamaaday, kuwaasi oo ay ciidamada amniga fashiliyaan sida kuwa lagu doonayay in lagu galo gudaha Madaxtooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here