Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Duaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Cabdulle Axmed.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Barlamaanka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah.
“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, Mudane Ismaciil Cabdulle waxaana kuu rajeynayaa inaad noqoto ninkii Cadaaladda, muwaafaqada iyo Dajinta siyaasadda Galmudug ka shaqeyn lahaa ” ayuu yiri Madaxwenye Xaaf.
DHAMAAD