Home Wararka Maanta 10 nin oo Gaarcis ku Dilay nin Muslim ah oo Xukun layaab...

10 nin oo Gaarcis ku Dilay nin Muslim ah oo Xukun layaab leh lagu Riday(Sawiro)

0

Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay 10 nin oo loo heysto inay afar sano ka hor garaacis nafta kaga qaadeen nin Muslim ah.

Tabrez Ansari, oo 24 jir ahaa, ayaa dhintay maalmo kaddib markii ay weerar ku qaadeen dad ku eedeynaya inuu mooto ka soo xaday gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Jharkhand.

Muuqaal muujinaya Ansari oo lagu qasbayo inuu ammaano sanamyada Hinduuda xilli uu ku baryootamayo in la badbaadiyo ayaa lagu soo wadaagay baraha bulshada.

Qoyskiisa ayaa sheegay in booliisku ay u diideen in laga dhayo dhaawacyada. hase ahaatee Boliiska ayaa beeniyay arrintaas.

Ansari wuxuu sameynayay wixii ay kooxdu ku qasbayeen, balse taas kama hor istaagin inay garaacista ka daayaan. Maalintii xigtay ayaa loo dhiibay booliiska oo iyaguna u xiray xatooyada lagu eedeeyay. Qoyskiisa ayaa ku andacooday in loo diiday inay arkaan.

Ad
Previous articleAskari dil u geestay Haweeney oo lagu qabtay magaalada Muqdisho (Sawirro)
Next articleMuxuu ka yiri dagaalka Laascaanood xildhibaanka u olaoleeya in Somaliland aqoonsi hesho?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here