Home wararka Dalka Dowlada Turkiga ayaa Baahisay Sawirada 15 ruux oo Lagu Tuhmayo Dilka Weriye...

Dowlada Turkiga ayaa Baahisay Sawirada 15 ruux oo Lagu Tuhmayo Dilka Weriye Sacuudiyaan ah (Sawiro)

0
SHARE

Dowlada Turkiga Ayaa Xili Hore oo Saakay ah Waxay Faafisay Sawirada iyo Magacaanta 15 Sacuudiyan ah oo Loo Maleenayo inay yihiin Teamkii Fuliyey Dilka Kamal Khashqoji oo ahaa Wariye Sacuudiyan ah Kana soo horjeeday Siyaasada Boqortooyada.

Kamal Khashqoji Ayaa Talaadadii hore 2 Oct. Lagu waayey Qunsuliyada Sacuudiga ku Leeyahay Istanbul Asigoo Balan ku lahaa 1da Duhurnimo Maalintaas Sidii uu U Galayna Dib uma soo Laaban 7 Cisho Kadib.

Kooxdan ayaa Istanbul ku Imaatey Laba Dayuuradood oo Qaas ah kana soo Kicitimay Masar iyo Ematates. Ayaa waxey gaareen Istanbul Saacad kahor Balanta Kamal Khashqoji uu ku lahaa Qunsuliyada.

Warar Sirdoon ayaa Sheegaya in Kooxdan Dilka u Adeegsadeen Miinshaaro iyo Midiyo oo Cadcad u Jarjareen oo Qubaro Dhanka Qaliinada la socdeen Kadib Laba Saac Waxaa u Suuragashay in Ay ka dhoofaan Turkiga.. Iyagoo Isticmaalayey Awooda Diplomatica ee aan Baaritaan lagu sameykarin Baabuurta iyo Boorsooyinka.

Sirdoonka Turkiga Wali Waxuu ku Howlanhahay sidii uu XOG Dhameystiran u heli lahaa Kiiska Wariyahan Caanka ah iyadoo 150 Camerada Qarsoon ee Istanbul ku Xeran Guud ahaan Qayb ka yihiin Baaritaanka Socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here