Home wararka Dalka Gudoonka Aqalka sare ee Dalka oo Kulan La Qaatay Wakiilka Cusub ee...

Gudoonka Aqalka sare ee Dalka oo Kulan La Qaatay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya (Sawiro)

0
SHARE

Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ku xigeenadiisa ayaa qaabilay Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom.

Kulanaan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahayeen Arimaha Soomaaliya, Gaar ahaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Dhanka Wada shaqeynta

Kulanka Waxaa Goob Joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare iyo Habdhowraha Guud ee Golaha iyo Madax kale.

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somaaliya Nicholas Haysom ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho,isagoona xilka la wareegay Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here