Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor oo Ciidamo Ka Mid Noqonaaya Kuwa Galmudug Saakay Tababar...

Madaxweyne Qoor Qoor oo Ciidamo Ka Mid Noqonaaya Kuwa Galmudug Saakay Tababar U Furay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.Tababarka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday Dugsiga tababarrada ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadan cusub ee uu tababarka u furmay, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu ku ammaanay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo, waxuuna ugu baaqay saraakiisha tababarka siinaysa in ay u dhameystiraan cutubyadan dhammaan adeegyada ay ubaahanyihiin si ay uga mid noqdaan ciidanka Booliska Galmudug.

Ad
Previous articleDoorashada Madaxweynaha Kenya oo weji cusub yeelatay.
Next articleAmaanka magaalada Baydhabo oo Si wayn loo adkeeyey Xili Roboow Wasiir Laga dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here