Home wararka Dalka Madaxda Maamul Gobaleedyada oo ku Shiraya Dalka Kenya” Xilli uu Jiro Khilaafka...

Madaxda Maamul Gobaleedyada oo ku Shiraya Dalka Kenya” Xilli uu Jiro Khilaafka Dowlada Dhaxe iyo Maamul Gobaledyada.

0
SHARE

Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in xubno ka socda Beesha caalamka ay kula shiraan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la kulmay Qaar ka mid ah Madaxda maamul  goboleedyadda  oo hada ku sugan Magaalada Nairobi.

Waxaa lagu waddaa in uu ka furmo Magaalada Nairobi  kulan Ballaaran oo ay ka qeyb galayaan inta badan Madaxda maamul goboleedyadda,kaasoo looga hadlaayo sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Xubin ka mid ah   Guddiga fulinta Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa Risaala u xaqiijiyay in ay sidoo kale dhaceen kulamo dhexmaray Madaxda maamul goboleedyadda ee hadda ku sugan Kenya, Sidda Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa la sheegay in uu kulankaasi kaga qeyb galay Khadka Taleefanka.

Qodobadda looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah Sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamul goboleedyadda, Dadaallada Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda  ayaa Golaha U soo bandhigay dhexdhexaadin ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo IGAD oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here