Home Wararka Somaliya Fanaanad caan ah oo Muqdisho ku geeriyootay

Fanaanad caan ah oo Muqdisho ku geeriyootay

0

Alle ha u naxariistii Fanaanad Muno Daahir (Muno Xidigta) ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho sida uu  xaqiijiyey Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube oo ah Maareeyaha Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka.

Alle ha u naxariistee Fanaanadad Muno Xidigta ayaa sida uu abwaanka sheegay waxa ay u geeriyootay xanuun kusoo booday habeen hore waxaana ay saakay aroortii u geeriyootay xanuunkii kusoo booday.

Fanaanada Muno xidigta ayaa Ka tirsaneed Hobolada Waaberi Puntland iyadoo markii danbe usoo wareegtay dhanka Magaalada Muqdisho sidaasna uga mid noqotay Hobolada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleDad ku dhaw 10 ruux oo ku geeriyooday Muqdisho ka dib Markii uu soo dumay………
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Maanta si weyn Loogu soo dhaweyay Dhuusamareeb (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here