Home Wararka Somaliya Midowga Musharixiinta Dalka oo war kasoo saaray go’anka Dowlada Somaliya

Midowga Musharixiinta Dalka oo war kasoo saaray go’anka Dowlada Somaliya

0

Xilli Wasaaradda Amniga Soomaaliya ay shalay shaacisay in marnaba aysan ogoleyn in la qabto dibadbax laans ameeyo isu-imaatin aya Xubnaha Midowga Musharixiinta waxaa ay ku adkeysanayaan in ay qabanayaan banaanbaxa ay iclaamiyen.

Siyaasiga Cabdiraxmaan  Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta kana  jawaabayay hadalkii Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankoodii banaanbaxa uu weli siidii yahay, isla markaana banaanbaxa ay qabanayaan.

Cabdiraxmaan  Cabdi Shakuur oo la hadlay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in qodob Dastuuri ah uu yahay in la qaban karo banaanbaxa, isla markaana Maalinta Jimcaha ah ay ku qaban doonaan Taalada Daljirka Daahsoon banaanbaxa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in shalay Magaalada Beledweyne lagu qabtay banaanbax lagu taageerayay dowladda, hayeeshee musharixiinta aysan aqbalen in banaanbaxdooda la diido mid dowladda lagu taageerayana la qabto.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Siyaasiga Cabdiraxmaan  Cabdi Shakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay musharixiinta si rasmi ah uga hadlaan mowqifkooda Go’aankii dowladda ku mamnuucday banaanbaxyada.

Ad
Previous articleSawiro:- Maamulka Gobolka Mudug oo aasay baraago huriyay dirir sokeeyo oo ku yaala deegaanka Higla Ceele.
Next articleDil ka dhacay Galgaduud iyo xiisad Colaadeed oo Wili Taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here