Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo ka jawaabtay Qorshaha Xisbiga SD ee lagu joojinayo Luuqada...

Dowlada Sweden oo ka jawaabtay Qorshaha Xisbiga SD ee lagu joojinayo Luuqada Hooyo

0

Xisbiga SD ayaa shalay ku dhawaaqay in Dowlada kala shaqeenayaan in luuqada Hooyo laga joojiyo Dugsiyada Hoose.

Dowladda ayaa maanta ka jawaabtay Qorshaha uu wado Xisbiga SD ee ku aadan joojinta Luuqada Hooyo.

Wasiirada Waxbarashada Lotta Edholm oo  la hadashey Warbaahinta ayaa ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray Xisbiga SD ee ku aadan Luuqadaha Dadka ajanabiga ee lagu barto Dalka.

Lotta Edholm oo ka hadleysa arintaasi ayaa sheegtay in Dowlada aysan marna ku jirin qorshaha isla markana Heshiiska Tedö uuan ku jirin qodob dhigaya joojinta luuqada.

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaasi ku dartay in uu jiro heshiis in baaritaan lagu sameeyo Luuqada Hooyo inay qeyb ka qaadato isdhex-galka iyo in kale.

Dowlada iyo Xisbiga SD ayaa horay u gaaray Heshiisyo kala duwan kuwaasi oo badankooda saameyn ku yeelanaya Dadka soogalootiga ee Dalkan ku nool.

Ad
Previous articleFaransiiska oo soo saaraya Sharuudo ku aadan Safarada qaar ee Dalkaasi
Next articleMadaxweynihii hore ee Somaliya oo si kulul uga hadlay Dhibaatada Ciidanka Somaliland ee Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here