Home Wararka Maanta AMISOM oo xukun dil iyo xabsi ciidan ah ku riday Saraakiil iyo...

AMISOM oo xukun dil iyo xabsi ciidan ah ku riday Saraakiil iyo askar Toogtay dad shacab ah

0
Maxkamada ciidamada Uganda ayaa ku xukuntay dil iyo xabsi dheer ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilka dad rayid ah oo Soomaali ah.
Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ciidan ah.
Ciidamadan ayaa deegaanka Golweyn bartamihii bishii Augost ee sanadkan waxa ay ku dileen illaa siddeed ruux oo rayid ah kuwaasoo ay ku sheegeen inay ahaayeen Alshabaab.
Goobta xukunka uu ka dhacay waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay
Saraakiishii hoggaaminaysay askartan dilka geysatay ayaa lagu xukumay dil halka askari meydka dadka rayidka ah miino ku qarxiyayna iyo labadii askari oo rasaasta ku furtay lagu xukumay 39 sano ah oo xabsi ah.
Ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay ka howlgalaan deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

 

Comment
Share
Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
Next articleRa”isul Wasaare Rooble iyo Sheikh Shariif oo Kulan gaar ah yeeshay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here