Home Wararka Maanta 30 ka mid ah Dagaalyanada Alshabaab oo Xalay Saqdhexe weerar Gaadmo ah...

30 ka mid ah Dagaalyanada Alshabaab oo Xalay Saqdhexe weerar Gaadmo ah lagu dilay

0

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ka badan 30 ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ciidanka dowladda ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta kooxdan ayaa dowladda sheegtay in ay gaarsiiyeen jab xooggan.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka dagaalyahanada Al Shabaab ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka

Ad
Previous articleDowladda oo Shaacisay in Muqdisho lagu qabtay Xubno katirsan Al Shabaab, hub iyo Gaadiid
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadasshy Qaabka loo Shirqoolay Nabadoonadii Beesha Baadicade ee xalay lalaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here