Home Wararka Maanta Aabaha Dhalay Wiil Soomaali ah oo Looga shakiyay Dilka Xildhibaan Ingiriis ah...

Aabaha Dhalay Wiil Soomaali ah oo Looga shakiyay Dilka Xildhibaan Ingiriis ah oo Warbaahinta La hadlay

0

Aabbaha dhalay ninka looga shakisan yahay inuu mindi ku dilay xildhibaan sare oo ka tirsan xisbiga Conservative -ka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku reebay argagax.

Warbaahinta UK ayaa daaha ka qaaday in qofka looga shakisan yahay inuu dilay Sir David Amess, oo 69 jir ahaa, kana mid ahaa xubnaha sare ee Conservative -ka ee Baarlamaanka Southend West, uu yahay muwaadin British ah oo asalkiisu Soomaali yahay.

Cali Xarbi Cali oo 25 jir ah ayaa ah qofka ugu horeeya ee lagu tuhunsan yahay dilka siyaasiga UK, waana wiilka Xarbi Cali Kullane oo mar soo noqday la taliyaha sare ee dhanka isgaarsiinta ee Ra’iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Kullane oo ah Aabbaha dhalay eedeysanaha oo warbaahinta kula hadlayay UK, ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa ay booqdeen saraakiil ka katirsan Scotland Yard oo argagixiso la dirirka ah.

“Aad ayaan u dareemayaa argagax. Ma aha wax aan filayay ama xitaa ku riyooday,” ayuu Kullane u sheegay The Sunday Times.

Eedeysanaha ayaa loo jaray waaran maxkamadeed, waxaana uu sii xirnaan doona ilaa 22 -ka Oktoobar, sida uu dhigayo Xeerka Argagixisada.

Madaxda jaaliyadda Soomaalida ee London ayaa cambaareeyay dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska.

Ad
Previous articleMunaasabad Lagu Taageerayay Doorashada Soomaaliya oo Ka dhacday Galkacyo (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Guudlaawe iyo Sheikh Shariif oo Kulan Xasaasi ah yeeshay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here