Home Wararka Maanta Dab Khasaaro nafeed geestay oo caawa ka kacay guri kuyaalla magaalada Muqdisho

Dab Khasaaro nafeed geestay oo caawa ka kacay guri kuyaalla magaalada Muqdisho

0

Guri kuyaalla xaafada Gubta ee degmada Dayniile ayaa caawa waxaa ka kacay dab dhaliyay khasaaro nafeed, waxa uu sidoo kale dabkan gabi ahaan bur buriyay gurigii uu ka kacay .

Sida aan wararka ku helnay dabkan ka kacay guriga kuyaalla Gubta ayaa sababay geerida nin oday ah oo magaciisa lagu sheegay Xasan Madar, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ninka odayga ah araga naafo ka ahaa.

Dadka deegaanka oo goobta gaaray ayaa u gurmaday dadka mashaqada qabsatay, waxaana daqiiqado kaddib lagu guuleestay in dabkaasi la damiyo, kahor inta uusan ku faafin guryo kale.

Wali lama oga waxa dhaliyay dabkan khasaaraha nafeed geestay ee caawa ka kacay guriga kuyaalla magaalada Muqdisho, waxaana guryo badan oo horey dab u gubay sabab looga dhigay in koronto sababtay dabkaasi.

Ad
Previous articleDowladda Oo Soo Bandhigtay Goobo Muqdisho Ah Oo Shabaab La Damacsan Yihiin Weeraro
Next articleDhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga waayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here