Home Wararka Somaliya Puntland Aabe Magaalada Galkacyo Ku Gowracay Laba Wiil oo uu Dhalay oo Gacanta...

Aabe Magaalada Galkacyo Ku Gowracay Laba Wiil oo uu Dhalay oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

0

Taliska booliska ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin Aabe labadiisa wiil gowrac ku dilay. Falkaan ayaa noqday mid aad looga argagaxay.

Labada wiil ee Aabahood dilay ayaa ka yaraa da’aada 12 sano jir, waxaana jiray khilaaf ka dhaxeeyey labadooda waalid.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen wuxuuna sheegay inay soo qabteen ninkii dilay caruurtiisa.

“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri taliye Muumin Cabdi Shire.

Ninka dilka carruurtiisa ku eedeysan ayaa falkaan ku gaystay guri uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen. Carruurta oo markii hore ay hooyadood haysatay ayuu ka codsaday inuu geeyo xarun waxbarasho oo kuleej ah, sidaasna loogu oggolaaday inay raacaan.

Hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in isla maalintii uu kaxeeyay gudaheedaba uu labada wiil ku dilay gudaha gurigiisa, isagoo gowracay.

“Caafimaad darro noogama muuqanin laakiin waxaa jiray maan-dooriyeyaal xad dhaaf ah oo ay ciidanka soo qabteen, oo xashiish iyo khamri ah, waxaana aaminsan nahay in daroogada ay sababi karto,” Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire.
Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Maantay Booqday Ciidamdii Ahlusuna Kasaaray Dhuusamareeb(Sawiro)
Next articleSiyaasi caan ah oo xabsiga la dhigay ka dib dibadbaxyo ka dhacay Uganda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here