Home Wararka Somaliya Dhageyso: Gaas oo ka hadlay Raisal Wasaaraha Cusub ee Somaliya iyo Cida...

Dhageyso: Gaas oo ka hadlay Raisal Wasaaraha Cusub ee Somaliya iyo Cida Noqoneysa

0

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee laga rabo in uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub lagu xusho labo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo madaxweyne Xasan.

“Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wadanka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dalkeen uu yahay hab beeleed.

Ad
Previous articleTurkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish
Next articleXasan Shiikh oo Abaal Mariyay Gudigii Doorashooyinka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here