Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Israil ugu Baaqay inay Joojiso Duqaymaha ay Wali...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Israil ugu Baaqay inay Joojiso Duqaymaha ay Wali Ka Wado Gaza

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ula fal-galayaan gobolka iyo qaaradda Afrika.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay la jaanqaadka caalamka ay barbar socdaan dib u dhiska dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican, intii uu jeedinaayey khudbadiisa.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta xiriirka labada dhinac.

“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran, isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka tignoolajiyadda,” ayuu shirkaas ka yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Madaxda ka soo qeyb-gashay shirkaas in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku xeeran qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.

Ad
Previous articleBaanaanbax looga Soo Horjeedo Dhacdadii Xalay Ka Dhacay Guriceel oo Halkaas lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleMuzamil Maxamed oo Shalay Dilay Cabdiwali Xasan Cali oo Asna Maantay la Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here