Home Wararka Maanta Banaanbax Xoogan oo Ka dhacay Magaalada muqdisho

Banaanbax Xoogan oo Ka dhacay Magaalada muqdisho

0

Qaar kamid ah ganacsatada iyo gaadiidleyda magaalada Muqdisho ayaa saakay banaan bax cabasho ah waxa ay ka dhigeen Isgoyska Fagax , waxa ayna ganacsatada muddo kooban xireen laamigaasi.

Sida aan wararka ku helnay ganacsatada iyo gaadiidleyda banaan baxa dhigayay ayaa ka cabanayay biyo badan oo roobka ka dhashay oo laamiga fadhiistay sidoo kale khasaaro badan gaarsiiyay qaar kamid ah ganacsatada hareeraha laamigaasi ku ganacsatada.

Banaan baxayaasha ayaa dhagxaan ku xiray laamiga Fagax waxa ayna diideen in gaadiidka kala duwan halkaasi maraan, waxa ayna ku eedeeyeen maamulka gobolka Banaadir in ay ku fashilmeen dhismaha laamiga una keeneen dhibaatooyin cusub.

Qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigayay ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir in xal u keenaan biyaha laamiga fariistay ayna halkaasi ka qaadaan, waxa ayna sheegeen in aysan u dulqaan karin biyaha halkaasi iska yaalla.

Biyaha roobka maalmahan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaana saameyn ku yeeshay qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana wadada fagax noqotay waddada ugu daran ee biyahaasi saameynta ku yeesheen.

Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga oo si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe inuu Baarlamaanka ku daba galo…..
Next articleLabada aqal ee Baarlamaanka dalka oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horeeyay ee Wadajir ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here