Home Wararka Maanta Golaha Amaanka ee QM oo aqbalay Codsi ay hor dhigtay dowlada Somalia

Golaha Amaanka ee QM oo aqbalay Codsi ay hor dhigtay dowlada Somalia

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo taabanaya dhoofinta dhuxusha, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan.

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyada oo la ogsoon yahay in xaaladda Soomaaliya ay weli khatar ku tahay ammaanka iyo nabadda caalamka, in haddana golaha ammaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan.”

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in dawladda Soomaaliya ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydsan, iyada oo raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

Iyadoo ka hadleysay Muqdisho, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, waxay warbixin ka siisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xaaladda Laascaanood iyo gobolka Sool.

Waxay xustay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada dirirtu dhexmartay ay ku heshiiyaan xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, una hoggaansamaan xuquuqda aadanaha iyo kuwa caalamiga ah sharciga bini’aadantinimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.

Ad
Previous articleNin Dilay Dad ka badan 10 Qof kadibna ku Duugay Gurigiisa oo Gacanta lagu dhigay
Next articleCiidamada Galmudug oo Deegano Hor le Ka saaray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here