Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakuur oo Sheegay in Gargaar Dowlada Qatar keentay la Xayiray

Cabdiraxman Cabdishakuur oo Sheegay in Gargaar Dowlada Qatar keentay la Xayiray

0

Ergayga arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo sheegay in abaartu ay saameysay lix milyan iyo boqol qof oo ku kala nool gobollada dalka.

“50 maalmood ka badan waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku xayiran macaawino ay dowladda Qatar keentay, lama yaqaano sababta ay u xayiran tahay, waa in la fasaxo macaawinooyinka dadka loo keenay, QM waxay igu war gelisay in gargaarka ay keenaan ay dhib badan ka maraan in dekedda laga soo dejiyo, deeq bixiyaashu waxay ka cabanayaan in caqabado badan ay jiraan oo dadka baahan aysan u fududeyn inay gargaar gaarsiiyaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 8% uu dhanyahay gargaarka la helay si dadka Soomaaliyeed loogu gurmado, taas oo ka dhigan in hal bilyan iyo afar boqol oo kun oo ay dalbadeen hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe, hadda laga haayo 58 milyan oo dollar.

Sidoo kale Ergeygaan ayaa sheegay in shaqadiisu aysan aheyn in macaawino uu ka qeybiyo gobollada dalka, balse xafiiskiisu uu ku shaqa leeyahay qiimeynta heerka baahida jirta iyo galaangalka caalamka oo aan looga maarmeyn u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Arrimaha doorashooyinkii dalka ka socday, dagaallada Ukraine iyo Ruushka, CIVID-19 iyo gurmadka dalal kale oo dhibaato ka jirto ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu caalamku uga mashquulay xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya.

“Shaqadeydu maaha raashin qeybin ee waa in magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliyeed aan caalamka uga dalbano gurmad, kadibna aan xariiriyo gurmadkaas iyo baahida ka jirta dalka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo maantay ku Wajahan Baydhabo iyo Ujeedka Safarkiisa(Xog+Sawiro)
Next articleUkraine oo Sheegtay inay isku diyaarineyso Weeraro Ruushka ku soo qaado Slavyansk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here