Home Wararka Maanta Nin hubeesan oo toogasho ku dilay xaaskiisi hore iyo dad kale oo...

Nin hubeesan oo toogasho ku dilay xaaskiisi hore iyo dad kale oo daris la’ ahaa

0

Deegaanka Arkabutla, oo kuyaalla miyiga gobolka Mississippi ee dalka Mareykanka, waxaa ka dhacay toogasho dad badan argagax ku abuurtay, kaddib markii nin hubeesan uu halkaasi ku toogtay xaaskiisa hore iyo dad kale.

Ninka toogashada geestay oo ku hubeesnaa saddex qaray ayaa la sheegay in uu dilay xaaskiisa horey u kala tageen iyo shan qof oo kale, kaddib markii uu tagay goobo ay siyaabo kala duwan dadkaasi ugu sugnaayeen.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ninka hubeesan galay guri ay degneed xaaskiisa hore ,waxaana ninkan la sheegay in rasaas la dhacay xaaskii ay kala tageen, waxa uuna isaga tagay guriga isaga oon dhibaato u geesan ninka qabay xaaskiisa hore.

Ninka hubeesan ayaa sidoo kale nin ay qaraabo ahaayeen iyo haweeney kale ku dilay guri ku dhagan hoygiisa, waxa uu sidoo kale dilay dad kale oo ku sugnaa qeybo kamid ah deegaanka uu kunoolaa.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilaaga ah oo 52-sanno jir lagu sheegay, mana shaacin booliiska ilaa hadda sababta ka dambeesay toogashada lixda qof uu u geestay ninkan saddexda qori ku hubeesnaa.

Ad
Previous articleLaba Askari oo Dil aad looga naxay bil Ka Hor ka Gaystay Balad iyo Muqdisho oo Saakay la Toogtay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Wali Ka Socda Magaalada Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here