Home wararka Dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maalintii Labaad Ka Doodaya Amniga dalka Xilli La...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maalintii Labaad Ka Doodaya Amniga dalka Xilli La adkeeyay Amniga Xarunta Golaha Shacabka.

0

Maalintii labaad waxaa kulan xasaasi ah ku leh Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ay uga hadlayaan xaalada amni ee dalka.

Kulankii shalay ayaa Xildhibaanada waxa ay aad uga doodeen xaalada amni ee dalka,iyaga oo qaarkood walaac xooggan ka muujiyey,isla markaana ay soo bandhigeen caqabado amni oo xilligaan ka jira dalka.

Doodii shalay ayaa Xildhibaanada waxa ay xukuumadda ku eedeeyeen inay ku mashquushay arrimo kale halka laga doonayey inay amniga dalka xoogga saaraan.

Maanta 27 Xildhibaan Ayaa Hadal Jeedin doona Kuwaas oo Ka Hadli doona amniga Dalka.

Sidoo kale Xarunta Golaha Shacabka ayaa Aad Loo Adkeeyay Waxaana maanta Baaraya Gaadiidka xildhibaanada Eeyo La Keenay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here