Home Wararka Somaliya Galmudug WAR DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degmo Ka...

WAR DEG DEG AH: Alshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degmo Ka Tirsan Galmudug oo Dhawaan laga Qabsaday

0

Dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegay in illaa laba gaari oo laga soo buuxiyay waxlaha qarxa lagu weeraray saldhigyada ciidamada ee degmada Galcad, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Jugta qaraxa oo si weyn looga maqlay degmada iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan ku billowday weerarka qaraxyada uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana aad u adag in la ogaado tirada rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u xun.

Waxaa lasoo sheegaya in illaa hadda weli meelo kamid ah Galcad laga maqlayo rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo maamulka Galmudug oo la xiriira weerarkan.

Weerarka saaka ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weli kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud

Ad
Previous articleDhaqtarkii Dilaaga Ahaa ee Ka Tirsanaa Alshabaab oo Xukun Adag Lagu Riday
Next articleSaraakiil Sar Sare oo Ku Mid noqday Dadka Ku Dhintay Weerarka Lagu Qaaday Degmada Galcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here