Home Wararka Maanta Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada Ka...

Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada Ka Tirsan Muqdisho

0
 Ciidanka booliska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif (Cabdi Haash Gaad) 30 jir ah, kuna eedeysan inuu Toorey caloosha uga dhuftay Maxamed Cabdullahi Sheekh.

Eedeysanaha lasoo qabtay caawa ayaa dhibkaan geystay xalay, waxayna saraakiisha boolisku sheegeen in eedeysanaha ay cadaaladda hor geyn doonaan.

Boolisku ma shaacin sababta ninkaan ku kaliftay inuu caloosha toorey uga dhufto dhibanaha, waxaana xusid mudan in isla gudaha degmada Waaberi laga soo qabtay ninkaan ku eedeysan inuu dhibka geystay.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca falal tuugnimo ah, kuwaas oo sababa in dil ama dhaawac loo geysto qofka ay tuugadu dhaceyso, balse boolisku ma kala cadeyn in kiiskaan uu la xariiro dhaca tuugada.

Muqdisho tuugada taleefoonada ka dhacda dadka waxay sitaan midiyo ama toorey, qori iyo bistoolad oo ah waxa ugu badan oo lagu dhaco dadka shacabka ah.

Mararka qaar waxaa dhacda in tuugadu qofka ay dhaawacaan, kadibna dhacaan, inta badana inay tuugadu dadka disho waxaa keenta in qofka la dhacayo uu dagaalamo ama isku dayo inuu goobta ka baxsado.

Inkastoo lasoo sheego meelaha qaar, hadda waxaa Muqdisho ka yaraaday tuugada taleefoonada dhacda, ciyaal weerada iyo kooxihii dadka u dili jiray Al-Shabaab.

Ciidan cusub oo boolis militaar ah ayaa laga howl-geliyey amniga caasimadda, waxayna fariisimo ka sameysteen degmooyinka dhaca daafaha oo markii hore ay ku badnaayeen falalka amni darrada ah.

Sidoo kale ciidankaan oo wata gaadiid u gaar ah ayaa ka howlgala gudaha caasimadda, waxaana la dagaalanka tuugada iyo kuwa dilalka geysta u dheer, dhaqan gelinta qararka ay dowladdu ku xakameyneyso hubka culus ee lagu dhex sida jiray magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleAlshabaab oo lacago Farabadan ku Bixinaaya in Xilka laga Qaado Gudoomiye Cali Jayte(Xog)
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo War Kasoo saaray Nabadoonadii lagu Dilay Masagawaaaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here