Home Wararka Maanta Jabriil”Sagaal kamid ah 18 qof oo aan xabsi ku wada jirnay ayaa...

Jabriil”Sagaal kamid ah 18 qof oo aan xabsi ku wada jirnay ayaa horteyda ku dhintay”

0

Sida ay Warbaahintu  baahisay bishii hore, waxaa la la’aa 16 dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay inay tahriib ugu socdeen Yurub, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Soomaaliya.

Markii ugu dambeysay waalidiintooda, waxay ka ambabaxayeen waddanka Tunisia oo ay ka raacayeen doon u baxaysay dalka Talyaaniga.

Hadaba laba kamid ah dhallinyaradaas ayaa ugu dambeyn soo afjaray safarkoodii, kadib markii gaareen dalka kamid ah qaaradda Yurub oo ay socdaal halis badan u galeen.

Jibriil Maxamed iyo Mumtaas cabdi waxay kamid ahaayeen 16 kaas dhallinyarada ah ee la waysnaa. BBC da ayaa heshay xiriirkooda, iyaga oo uga warramay safarkoodii halista ahaa.

Muddo haatan laga joogo afar sano, ayuu Jibriil gaaray dalka Liibiya, isaga oo ka mababaxay wuqooyiga Soomaaliya. Nolol dhaanta tii markaas uu ku haystay magaalada hargeysa ayuu sheegay inuu raadinteeda socdaal dheer u galay.

Nasiib xumo, wuxuu gacanta u galay koox magafayaal oo gacanta ku hayay dhallinyaro kale oo Soomaali ah. Halkaas ayu uku qaatay saddex sano oo aan naxariis lahayn.

“Saddex sano ayaa maqsin (qol) ku jiray, waxaana la ii haystay lacag 14,500 oo doolar ah, wax lacag iga soo dirana mahaysam,” ayuu BBC u sheegay.

Isaga oo yar ayay hooyadiis iyo aabihiis dhinteen Jibriil.

Muddo markii uu ku jiray xabsiga magafaha ayuu sheegay in loo dalacsiiyay ‘Kaabe’.

“Waxaa jira wax kaabe la dhaho – micnaha Soomaalida ayaa qof laga dhex doortaa oo la dhahaa dadkaan adaa ka msuul ah. Taleefanka u wac ama waxyaabo nuucaas oo kala ha,” ayuu Jibriil ku micneeyay shaqadii uu u dhiibay magafuhu.

Intii uu madaxda u ahaa saxiibadiis ay isku xabsiga ku jireen, wuxu sheegay inay dhinteen sagaal kamid ah 18 ruux oo ay isku meel ku wada jireen. Caafimaad darro ay sabbatay cunta xumidii ka jirtay meesha ayay sheegay inay sabab u ahayd geeridooda.

“Qadiimi ayay ahaayeen oo xerada waa ay ku raageen. Maadaama ay cunayaan makrooni cad…milix ayaa laguu soo raacinayaa. Milixdaa markuu qofku cuno oo fadhiyo, qoraxna aanu arkayn waa uu bararayaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa Jibriil.

Xabsigaan waxaa kamid ahaa dadkii galau Mumtaas Cabdi, isaga oo sabab u noqday inay is bartaan Jibriil iyo afar kale oo dhallimyaro Soomaali ah.

Balse kulankooda ka hor ayaa waxa ay sameyeen Jibriil iyo kooxdii uu hugaaminayay xabsi ka fakasho.

“Suxuunta cuntada lagu cuno ayaan dibadda u saari jiray, suxuunta markaan soo saaro ayuu odeygu albaabka soo istaagi jiray, kadibna xabad sigaar ah ayuu isiin jiray inta uusan albaabka xirin. Isaga oo xabadii sigaarka ahayd jeebka ka soo saaraya ayaan odaygii qabtay qolkii ayaan ku soo dhex tuuray,” ayuu yiri Jibriil.

Way garaaceen, iyaga oo qaadooyin iyo mindi uga dhuftay gacmaha sida uu sheegay Jibriil. Sidaas ayayna uga soo baxsadeen xabsigii.

“Kii ugu dambeeyay ee naga dhintay ayaan go’aan ku gaarnay inaan jabsano meesha oo aan orod uga baxno,”

Wiilkaas ayuu sheegay inuu ahaa 15 jir ka yimid magaalada Boorama.

Baxsashadooda kadib ayuu sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Liibiya, kuwaas oo waydiiyay xerada magafaha ee ay ka soo baxsadeen. Ciidamadaas ayaa xeradii galay, waxayna lka soo saareen maxaabiis badan oo ay kamid tahay Mumtaas.

“Maalinkaas ayaan iyada is barangay, maalimkaas wixii ka dambeeyay ilaa hadda sidii ayaan u wada soconaa.

Mumtaas waxay la noolayd hooyadeed iyo walaalaheed oo daganaa magaalada Hargeysa. Fasalka 11 aad ee dugsiga ayay sheegtay inay waxbarashada uga hartay, iyada oo shaqaale ka noqtay shirkad maxallai ah oo soo saarta cabitaanada sajalan, balse waxay dareentay inaysan ku filnayn shaqadaasi.

Jibriil iyo Mumtaas waxay sheegeen in safarkoodii Tunisia ay wada socdeen saddex dhallinyaro ah oo kale, balse ay kala lumeen. Mar dambe waxay sheegeen inay maqleen in doontii ay raaceen dhallinyarada kale la la’ yahay. Ila aiyo hadda war lagama hayo halka ay ku dambeeyeen. Balse iyagu waxay ugu dambeyn gaareen dalka Austria oo ay ka sugayaan in loo aqbalo magangalyo doon qaxooti.

Mumtaasi waxay dooneysaa inay xaqiijiso hiigi nololeed. Waxay manaka ku haysaa inay dhaqtarada ka noqoto dalka cusub ee soo dhawaynta ka sugayso.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Xilsare u magacaabay Baadiyoow
Next articleGolaha Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here