Home galmudug Dhagayso Galmudug oo Ku guulaysatay Xal u helida beelo in Mudda ah...

Dhagayso Galmudug oo Ku guulaysatay Xal u helida beelo in Mudda ah Wada Dagaalamayay.

0
SHARE

Shirweyne Maal mihii La soo Dhaafay magaalada Cadaado ka soconayay laguna heshiisiinayay beelo horey ugu dagaalamay Deegaano Ka Tirsan galmudug ayaa Maanta La soo Gaba gabeeyay.

Waxaana Heshiiskaan La dhax dhigay Beelo Ku Dagaalamayay degmada Xeraale oo gobolka Galgaduud ka Tirsan.

Munaasabada beelaha ay ku kala saxiixdeen heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin xilal kasoo qabtay dowladihii soo maray dalka odayaasha dhaqan iyo wasiiro ka tirsan Galmudug.

Cabdi Takiye Faarax oo kamid ah waxgaradka reer Cadaado ayaa ugu horeyn goobta a aqriyay qodobada ay ku heshiiyeen beelaha la xaliyay colaadooda.

Odayaasha labada beeleed ee heshiiska la dhex dhigay ayaa u mahadceliyay cidkasta oo ka qeyb qaadatay heshiiskooda waxayna sheegeen inay ka shaqeyn doonaan nabada dadka iyo deegaankooda

Cabduqaadir Cali Cumar oo Soo Noqday Wasiirka Arimaha Gudaha Ee Dowladii K M G  Iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere oo Isna Xildhibaan Hore Soo Noqday Ayaa Siwada Jir Ah U Soodhaweeyay Heshiiskaan, Beelaha La Dhax dhigay.

Ugu Dambeyn goobta waxaa ka hadal Ka Jeediyay wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Maxamed Cabdi Colaad oo Sheegay in tani ay Tahay Wax Lagu Farxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here