Home Wararka Maanta Soomaaliya oo loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM iyo...

Soomaaliya oo loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM iyo Dalal laga joojiyay

0

Soomaaliya ayaa mar kale loo oggolaaday xuquuqda codbixinta ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, xilli Soomaaliya aysan wali iska bixin qaraankii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee lagu lahaa labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Waddamada xubnaha ka ah golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bixiya lacago qaaraan ah, waxaana jira dhoor dal oo Soomaaliya ku jirto oo laga cafiyay qaaraanka loona oggolaaday in ay codeeyaan, halka dalal kalana laga joojiyay xuquuqda codeynta.

Dalkeena Soomaaliya iyo iyo dalalka kale ee Comoros, Sao Tome and Principle ayaa mar kale laga caafiyay kharashka Miisaaniyada sannadlaha ee Qaramada Midoobay, waxaana dalalkan loo oggolaaday in ay codeyn karaan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM, António Guterres ayaa lagu sheegay inay jiraan dhowr waddan oo ku guul-daraystay inay bixiyaan lacagta Qaaraanka ee Miisaaniyada lagu socodsiiyo shaqada Hay’adda QM.

Dalalkan aan dhiibin lacagta qaaraanka oo kala ah Lebanon, South Sudan, Venezuela, Gabon, Equatorial Guinea iyo Dominica Republic ayaa laga joojiyay sannadkan xuquuqda cod-bixinta ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in dalalkan ku guul dareestay bixinta lacagta qaaraanka wali fursad heestaan, waxa uuna cadeeyay haddii ay iska bixiyaan lacagta lagu leeyahay loo oggolaan doono xuquuqda codbixinta.

Ad
Previous articleAabbe Maxamed Cabdiraxmaan oo laba carruur ah oo uu dhalay Si Arxan Dara ah u dilay oo dil lagu xukumay
Next articleIn kabadan 10 Shabaab Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Gaarisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here