Home Wararka Somaliya Somaliland War Deg Deg ah: Wasiirada Soomaaliya oo Shir Deg Deg ah laisugu...

War Deg Deg ah: Wasiirada Soomaaliya oo Shir Deg Deg ah laisugu yeeray kadib Heshiiskii uu Muuse biixi Bada Ku Siiyay Itoobiya

0

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa beri Shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dowlada Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy.

Is-afgaradka oo loogu yeeray mid iskaashi iyo wada-shaqeyn ayaa bayaanka lagu sheegay in loogo talogalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashi dhinacyada badan leh oo dhex-mara labada dhinac.

“Is-afgaradka waxa uu u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Lama Oga Go,aanka ay ka Qaadan Doonaa Arintaan Xasaasiga ah ee Maantay ka Dhacday adisababa.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Heshiis Dadka Soomaaliyeed ka Naxeen Dowlada Itoobiya
Next articleRa’iisul Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareeyey Falka foosha xun ee Itoobiya ku kacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here