Home Wararka Maanta Ra’isul wasaaraha soomaaliya oo isbitaalada Ku Booqday Dhalinyaradii shalay Lagu Qarxiyay Muqdisho...

Ra’isul wasaaraha soomaaliya oo isbitaalada Ku Booqday Dhalinyaradii shalay Lagu Qarxiyay Muqdisho (Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka ku booqday dhallinyaro ku dhaawacantay qarax argagixsadu la beegsadeen xerada tababarka ciidanka ee Gen.Dhegabadan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa Tegay isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo dhaawacyadii ugu badnaa La dhigay, waxuuna Mid mid ugu Booqday Sariirtii ay jiifeen.

Wasiirka Kowaad ee dalka ayaa u rajeeyay dhalinyaradaas in Alle uu Bogsiiyo, Dowladda Soomaaliyana ay ku dadaali doonto sidii Loo caawin lahaa.

Shalay Aroortii ayaa Qarax lala Eegtay Dhalinyaro doonayay inay iska diiwaan Galiyaan Ku biirista Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Safiirka Qadar oo Maanta kulan Wada qaatay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo la Filayo inuu ku dhawaaqo Xubnaha Guddiga Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here