Home Wararka Somaliya Kulan dhex maray Saraakiil Galmudug ah iyo Taliye Odawaa oo Faah-faahin laga...

Kulan dhex maray Saraakiil Galmudug ah iyo Taliye Odawaa oo Faah-faahin laga helayo

0

Waxaa wali magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug Ku sugan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Saraakiil uu asaga hogaaminayo,iyadoona taliye Gen.Odowaa Yuusuf Raage uu magaaladaasi kula kulmay Xubno kamid saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sidoo kale Kulanka dhaxmaray Taliyaha iyo saraakiisha waxaa looga hadlayay adkeynta ammaanka magaalada iyo la dagaalanka Kooxda Alshabab.

waxaana Odewaa lagu soo waramayaa in uu marka hore warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka qaybta 21-aad ee laga keenay magaalada caasimadda Muqdisho iyo saraakiil kale oo ku sugnaa goobta uu kalanka ka dhacayay.

Ugu dambeentii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gen, Odewaa Yuusuf Raage ayaa saraakiisha kula dar daarmay Sugidda Ammanka Deegaaanada Maamulka Galmudug iyo U diiyaar garowga holwgalada Ka dhanka Ururka Alshabaab.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Kenya oo ka hadlay xukunka Maxkamadda ICJ ee Muranka Badda
Next articleRaysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxdii dowladda uga qeyb gashay dhageysigii go’aanka Maxkamada ICJ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here