Home wararka Dalka Maamul Gobaleedyada oo Shuruudo adag Hor dhigay Dowlada fedraalka soomaaliya (Akhriso)

Maamul Gobaleedyada oo Shuruudo adag Hor dhigay Dowlada fedraalka soomaaliya (Akhriso)

0
SHARE

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray shir wadatashi ah oo dhacaya 17-18 bisha September, kaddib go’aankii dowlad goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Maamul goboleedyada ayaa shuruud ku xiray wada xaajood ay la galaan dowladda Federaalka, si loo dhameeyo khilaafka, waxaana ay soo jeediyeen in la helo garab saddexaad oo door dhexdhexaadin ah ka qaadanaya.

Sidoo kale maamul goboleedyada ayaa soo jeediyay in sababo amni awgeed in la isla meel dhigo goobta uu shirka ka dhacayo iyo amnigeeda.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here