Home Wararka Maanta IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo...

IMF oo shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad

0

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta.

IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo soo saaray qoraal kooban ayaa soo dhaweeyay Warbixinta IMF ee hannaanka dib-u-eegista 6-aad. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa balan qaaday in Dowladdu ay ka go’an tahay sii wadiidda iyo joogteynta hannaan walba oo lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Ad
Previous articleCali Jeyte oo Balan Qaad Culus u Sameeyey Madaxweyne Xasan Shiikh Xili uu Dhuusamareeb ku Suganyahay
Next articleHorjooge Isaaq Cabdullaahi Afey iyo Xubno Qoyskiisa ah oo Duqayn lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here