Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo La kulmay P.M Rooble Xili Mooshin laga...

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo La kulmay P.M Rooble Xili Mooshin laga Gudbiyay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Rooble iyo Ciid ayaa ka wada hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga Galmudug, La dagaallanka argagixisada , dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka soo laabtay safar uu maalmahan ku joogay dalka bariga afrika ku yaala ee Tanzania.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, isla markaana uu socdo abaabulka mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka.

Ad
Previous articleDeg Deg: Gaari Kasoo Baxay Hobyo oo Alshabaab Wadada Ku Qarxiyeen iyo Qasaaro ka Dhashay
Next articleBooliska Dhuusamareeb oo Soo Qabtay Rag burcad ah oo Mobilada Dadka ka dhacaayay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here