Home wararka Dalka Musuq maasuq Hareeyay Dhismaha wadada Xariirisa garoowe iyo Galkacyo

Musuq maasuq Hareeyay Dhismaha wadada Xariirisa garoowe iyo Galkacyo

0
SHARE

Dowladda Jarmalka ayaa waday mashruuc lagu dhisayey Wadada ixriirisa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo,balse waxay sheegtay inay u joojisay sababo la xiriira Musuq maasuq.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Safaarada Jarmalka ee Magalada Nairobi ee dalka Kenya  ayaa waxaa lagu sheegay in mashruuca Wadadaas lagu dhisayay ay u joojiyeen sababo la xiriira daahfurnaan la’aan ka timid  dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA).

Sidoo kale War-Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in mashruuca dhismaha uu qorshuhu ahaa inuu bilaawdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,balse uu ku suurtageli waayey daahfurnaan ka timid dhinaca Hay’adda Wadooyinka Puntland ee dhinaca PHA.

Warka ka soo baxay Safaarada Nairobi ee Dowladda Jarmalka ayaa sidoo lagu sheegay in joojinta mashruuca lagu dhisayey Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo la ogeeysiiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here