Home wararka Dalka Muqdisho” Digniino Laga Bixinayo in La dego Degmo Agteed, iyo Amaanka Degmooyinka...

Muqdisho” Digniino Laga Bixinayo in La dego Degmo Agteed, iyo Amaanka Degmooyinka oo La adkeeyay

0
SHARE

Magaalada Muqdisho Waxaa Laga Bixinayaa Digniino Xoogan Iaga Fogaado Goobo ka ag dhaw Xarun degmo.

Digniinahaan ayaa Yimid ka dib Laba Todobaad oo is xig xiga oo Qarax lagu weeraray Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan.

Ammaanka xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa aad loo adkeeyay, kadib markii Al Shabaab todobaadkan iyo midkii ka horeeyay ay qaraxyo ku weerareen xarumaha dgmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag.

Degmooyinka qaar ayaa la sheegayaa in dhagaxaan iyo biro waa weyn lagu jaray wadooyinka gala, sidoo kalena ay jirto feejiganaan dhanka ammaanka ah.

Ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la geeyay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, si ay u xaqiijiyaan islamarkaana ula socdaan dhaq dhaqaaqa xeendaabka xarumaha.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan inay yaraadeen dadka adeegga u doonta xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi inay dhibaato ka soo gaarto weerarada ay suurtagalka tahay in lala bartilmaameedsado xarumahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here