Home wararka Dalka Golaha aqalka sare oo ka Hadlay Sababaha aysan u xaadirin Kalfadhiga Golaha...

Golaha aqalka sare oo ka Hadlay Sababaha aysan u xaadirin Kalfadhiga Golaha shacabka (Akhriso)

0
SHARE

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kalfadhiga 4aad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Aqalka Sare ayaa ka baaqsaday furitaankii Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka, iyadoo la filayay in Labada Aqal oo wadajir ah in Kalfadhigooda 4aad la furi doono, balse Madaxweynuhu uu furay kaliya kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka.

Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare.

Sidoo kale Guddiga Joogtada ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha murugsan ee siyaasadeedamni iyo mida nidaamka Federaalka oo sii xumaanaya ee uu dalku marayo, waxaana Guddigu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin iyo dadaalo xaldoon ah oo uu Aqalka Sare u marayo matalaadiisa Dastuuriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here