Home galmudug Dhageyso Codka Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Shirka Kismaayo ku tilmaamay Riyo.

Dhageyso Codka Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Shirka Kismaayo ku tilmaamay Riyo.

0
SHARE

Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka  Galmudug oo  ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa  waxaa uu  sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada  Kismaayo  uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii  Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid  lagu kordhinayo dhibaatooyinka  ka jira  deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilmaamay mid ay ku riyoodeen.

Dhawaan ayay aheyd markii  War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ay sheegeen  in ay  hakiyeen  dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso codka Cali gacal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here