Thursday, September 20, 2018
Home wararka Dalka Dad ay Alshabaab Afduubteen oo La sheegay in la soo Bad baadiyay...

Dad ay Alshabaab Afduubteen oo La sheegay in la soo Bad baadiyay iyo Kuwa Kale oo Hada Waa Waan Lagu Wado.

0
SHARE

Qaar ka mid ah dadkii ka soo baxsaday gacanta Al Shabaab oo xiriiro kala duwan aan la sameynay ayaa waxa ay ka gaabsadeen ka hadalka sida ay ugu suuragashay soo baxsashadooda.

Lama oga dadkan intii ay ku sugnaayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo aheyd halka lagu afduubtay waxyaabihii ay kala kulameen Ururka Al Shabaab.

Odayaal dhaqameed ku sugan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay u soo deyn lahaayeen dadka kale ee ku harsan gacanta Ururka Al Shabaab.

Dadkan gacanta ugu jira Al Shabaab oo isugu jira odayaal iyo dhalinyaro ayaa wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in qaarkood ay ku xanuunsanayaan gudaha xabsiga la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here